Guddoomiye Mursal: “Koonfur Galbeed oo Maqan Ma jiri karo Baarlamaan la dhaariyo”

Guddoomiyaha Baarlamanka xiligiisu dhamaaday ee Somalia Max’ed Mursal Shiikh C/raxmaan oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay khilaafka iyo ismari waaga ka dhex aloosan RW Rooble iyo hogaanka dowlad goboleedka K/Galbeed ee la xiriira 3 Xildhibaanada guddiga doorashadu diideen iney siiyaan shahaadada Xildhibaanimo.

Maxamed Mursal ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay heerka uu gaaray khilaafkaas isagoo muujiyey sida loogu baahan yahay in xal deg deg ah laga gaaro si horey loogu socdo, loona ilaaliyo midnimada umadda.

Mursal ayaa codsaday inaan lagu deg degin dhaarta xildhibaanada iyadoo ay maqan yihiin xildhibaanada Koonfur galbeed oo Madaxweyne Laftagareen ugu xaniban magaalada Baydhabo.

“Koonfur Galbeed oo ka Maqan Baarlamanka Ma jiri karo Baarlamaan la dhaariyo Waana in la Xaliyaa Khilaafka  Ra’iisul Wasaaraha iyo Koonfur Galbeed si horey loogu socdo” ayuu yiri Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan.

Waxaa uu sheegay in Koonfur galbeed ay door muhiim ah ka soo qaadatay xalinta khilaafyadii soo maray dowlada, sidaas awgeedna loo baahan yahay in wax walba oo jira lagu dhameeyo wadahadal iyo tanaasul.

“Doorashada dadban dhamaan dowlad goboleedyada dalka si isku mid ah ayey u qabteen iyagoo maray hab raac hal nooc ah, hadii ay wada saxan yihiin wey wada saxan yihiin, hadii ay qaldan yihiina wey wada qaldan yihiin” ayuu yiri Gudoomiye Mursal oo hadalkiisu u muuqday inuu taageero siinayo maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa uu xusay in Maamulka K/Galbeed uu shaaciyey inuu khilaaf kala dhexeeyo Raisul Wasaaraha, sidaas awgeedna loo baahnaa Rooble inuu u dhaqaaqo sidii loo qancin lahaa, meeshana looga saari lahaa madmadowga jira.

“Baarlamanka federaalka haddii uu ka maqan yahay hal dowlad goboleed laguma tilmaami karo inuu yahay baarlaman federaal sidaa awgeed RW Rooble waxaa waajib ku ah inuu raadiyo maamul goboleedka maqan”ayuu intaa ku daray Mursal.

Guddoomiyaha Baarlamanka xiligiisu dhamaaday ee Somalia ayaa intaas ku daray in dalka ay ka jiraan dhibaatooyin ay ka mid yihiin abaaro iyo sicir barar, xiligana aan loo baahneyn in dib u dhac kale uu ku yimaado doorashada, wuxuuna ugu baaqay madasha wadatashiga Qaranka iney xil iska saaraan xalinta khilaafaadka jira

- Advertisement -