Shirkado ku eedeeyay Musuqmaasuq wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya

Seddex Shirkad oo ka mid ah shirkado u tartamay laba Mashruuc oo ay soo bandhigtay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa ku eedeeyey Wasiirka Wasaaradda Eng. Cabdi Sheekh Axmed in uu mashaariicdaas ku wareejiyey shirkaddo uu dano gaar ah ka leeyahay maadaama aan loo marinin wadadii saxda ahayd ee qandaraas bixinta.

Labada Mashruuc oo ay ku baxayso in ka badan Nus Milyan Doolar ayaa waxaa laga maalgelinayaa Mashruuca Scale-up ee ay maamusho Wasaaradda Maaliyadda uuna maalgeliyo baanka Adduunka, labadan mashruuc oo ah diyaarinta sharciyo iyo Siyaasaddo loogu talogalay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa wasiirku waxa uu ku bedelay shirkadihii ku guulaystay tartanka shirkado aan waayo aragnimo badan lahayn oo tartanka ka galay kaalin hoose, kuwaas oo uu ka leeyahay danno dhaqaale iyo kuwa gaar ah ayna maamulaan xubno ka tirsan qoyskiisa.

Wasiirka ayaa qorsheynaya in mashaariicdaas ay maamulaan dad aan khibrad shaqo u lahayn howsha islamarkaanna khilaafasan nidaamka daahfurnaanta tartanka ee Baanka Adduunka, isaga oo ka faa’iidaysanaya xiriir gaar ah oo uu la leeyahay Maamulaha Mashruucan Isabella Haward.

Shaqalaha Mashruuca ee ku howlgala Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxa ay inoo sheegeen in ay si weyn ula yaabeen hab-dhaqanka Wasiir Cabdi Sheekh oo si toos ah usoo faragaliyey hannaanka qandaraas bixinta, unu sheegay in uu danaynayo in shirkad gaar ah lagu wareejiyo mashaariicdan oo uusan marnaba raali ka ahaaneen shirkad kale taas oo keentay in markii labaad lagu celiyo xayeysiinta mashruuca maadaama ay markasta soo bixi waayeen shirkadaha uu wato.

Wasiir Cabdi Sheekh ayaa ka faa’iidaysanayaa mashquulka Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka ee xilligan kala guurka ah, waxuuna xooggiisa iskugu geeyey in uu gacanta ku dhigo dhaqaalahan ka hor dhammaadka muddo xilleedka dowladda, Haddaba Madaxweyne Farmaajo maku dhiiran karaa in uu tallaabo ka qaado wasiirkan ku tagri falay awoodda xafiiska, cidkasta ugu sheekeeyo in uu ka gows haysto Madaxweyne Farmaajo.

Ugu Dambayntii shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxa ay ugu baaqeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha in ay hakiyaan mashaariicdaas si aysan saameyn xun ugu reebin xiriirka shaqo ee Dowladda Iyo Deeq bixiyayaasha.

- Advertisement -