Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Khasaaro geestay oo lala eegtay Ciidamo katirsan AMISOM iyo Al Shabaab oo…

Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo wateen ciidamo katirsan nabad ilaalinta AMISOM, kuwaa oo lala beegsaday qaraxa xilli ay marayeen agagaarka deegaanka Xaawo Cabdi.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino ayaa dhacay xilli gaadiidka ciidamada AMISOM laamiga marayeen, waxaana qaraxa la sheegay in uu haleelay mid kamid ah gaadiidkii ay wateen ciidamada AMISOM.

Al Shabaab ayaa warbaahintooda ku sheegay in qaraxa haleelay gaari xamuul oo saad u siday ciidamada AMISOM, waxa ayna sheegeen in qaraxaasi lagu dilay hal askari oo katirsanaa ciidamada AMISOM.

Taliska ciidamada AMISOM ayaan wali wax war ah kasoo saarin qaraxan lagula eegtay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, manba jiro ilo madax banaan oo xaqiijin kara khasaaraha AMISOM kasoo gaaray qaraxan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=LX8iWFyTgXc

Related posts

Mareykanka oo dalkiisa ka mamnuucay qalabka ay soo saaraan Shirkado ay ku jirto Huawei

Cabdi Cade

Qarax Ismiidaamin ah oo lagu weeraray Injineetro Turki ah iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo xeelad yaab leh u adeegsatay weerarkii lagu dilay askariga Maraykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---