Mahad Salaad: “Telefan & tacsi kuma filna dhibaatada gaartay walaalaheen Somaliland”

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka Somalia ayaa dhaliilay qaabka uu madaxweynaha Somalia ufa falceliyey dabkii xooganaa ee baabi’iyey Suuqa weyn ee magaalada hargeysa.

Mahad Salaad ayaa xusay in inaan loo baahneyn tacsi iyo telefan la diro, balse la doonayo in in loo gurmado dadka walaalaha ah ee dhibaatadu soo gaartay

“Dhibaatada gaartay walaalaheen Somaliland iyo hantida halkaas ku burburtay kuma filna tacsiyeyn iyo taleefoon loo diro ee aan si dhab ah ugu gurmano” ayuu yiri Mahad Salaad.

Waxaa uu baaq u diray raisul wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble.

“Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa waxaan ka codsanaynaa in ay ka shaqeeyaan sidii miisaaniyada sanadkaan loogu dari lahaa gurmad dhaqaale oo dadka hantidooda burburtay loo fidiyo. Dadka Soomaaliyeed ee dal iyo dibad joogana inta isxilqaamno aan gurmad dhaqaale u fidino dadka walaalaheen ee hantidoodii ku burburtay masiibadaas ku dhacday” ayuu intaas ku dartay Mahad Salaad.

 

- Advertisement -