Masuul sheegay in daryeel xumo u geeriyooday Wasiirkii uu ku dhacay Caronavirus

Waxaa shalay magaalada Muqdisho caabuqa Caronavirus ugu geeriyooday Wasiiru dowlihii cadaalada maamulka Hirshabelle Xildhibaan Khaliif Muumin oo maalmihii lasoo dhaafay la il darnaa caabuqan dadka badan dunida ku laayay.

Xildhibaan Mahad Salaad oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Wasiir Khaliif daryeel xumo caafimaad ugu geeriyooday Isbitaalka Martiini kadib markii loo waayay oksijiin (oxygen) uu ku neefsado sida eheladiisa u sheegeen.

Mahad Salaad ayaa isweediiyay halka ay ka baxday lacag malaayiin dollar ah oo loogu tala galay in wax looga qabto Caronavirus, waxa uuna dareen ka muujiyay sida ay noqon doonto xaalada shacabka uu ku dhaco caabuqan hadiiba masuuliyiinta daryeel xumo u geeriyoonayaan.

Halkan ka Akhriso Qoraal uu Xildhibaanka arintan uga hadlay

Shan Milyan oo dollar ayaa dowladu sheegtay in ay u qoondaysay la tacaalida cudurka Coronavirus. Lkn nasiib daro shalay Isbitaal Martiini waxaa daryeel xumo caafimaad ugu geeriyooday Wasiir Hirshabelle Khaliif Muumin kadib markii loo waayay oksijiin (oxygen) uu ku neefsado sida eheladiisa iyo siyaasiin qaraabo la ah marxuumka warbaahinta u sheegeen❗️

Haddaba su’aashu waxay tahay xagee la geeyay lacagtii loo qoondeeyay la tacaalida cudurkaan. Jeeb dad kale miyey gashay mise jidka ayay ku soo jirtaa. Hadiise mas’uul dowladeed daryeel xumo caafimaad ugu geeriyooday Isbitaalkii dowladu sheegtay diyaarintiisa in malaayiin dollar lagu bixiyay, makula tahay in daryeel caafimaad uu ka heli karo muwaadin danyar ah oo cidina dabo socon?!

Waxaan ugu baaqayaa madaxda dowlada in arintaan si degdeg ah wax uga qabtaan, dadkana aysan u loogin cudur iyo daryeel xumo wada jira, hadii kale dadka loo run sheego si dadkooda ay ula tacaalaan.

Hon Mahad Salaad

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -