Allbanaadir.com
NEWS

Qaleey Yuusuf Jiile oo xalay lagu dilay Gaalkacyo iyo faahfaahiino ka soo baxaya

Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidnimadii ku dilay woqooyiga Magaalada Gaalkacyo Sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowlad goboleedka Puntland.

Qaleey Yuusuf Jiile oo ahaa taliyaha Xero Inji oo meel hubka lagu keydiyo oo ku taalla magaalada Gaalkacyo.

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegayaa iney rasaas ooda kaga qaadeen taliyaha xili uu ka soo rawaxaya shaqada uuna sii galayey hoygiisa.

Goob joogayaal ayaa sheegay in taliyaha uu isla goobtii ku naf baxay, waxaana baxsaday labo nin oo dilkiisa ka dambeysay.

Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa dilka taliyahaas ka dib bilaabay howlgalo xooggan oo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey dilkaas, iyagoo soo xiray dad la tuhunsan yahay oo baaritaano ay ku socdaan.

Masuuliyiin, Saraakiil, ganacsato, weriyeyaal iyo  dad kale oo badan oo ayaa horey dilal noocan ah loogu geystay woqooyiga magaalada Gaalkacyo, inta badan kooxihii ka dambeeyey dilalkaasna laguma guuleysan in la qabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Xukuumadda Somalia oo Xeer ka soo saartay Dhaqan galinta Habraaca Heshiisyada

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay guddoomiyaha Midowga Afrika

Cabdi Cade

Iskuulada kuyaala Muqdisho oo lagu amray Dhigista Maadooyin cusub (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---