Dowlada Ingiriiska oo ka hadashay dabkii khasaaraha badnaa ee ka kacay Suuqa Hargeysa

Waxaa xalay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa ka kacay dab xooggan oo dhaliyay khasaaro badan oo maaliyadeed, waxaana dabkan lagu guul dareestay in si degdeg ah loo damiyo inta uusan ku faafin goobo baaxad leh.

Dowladda Ingiriiska oo horey usoo gumeesatay gobolada Somaliland ayaa ka hadashay dabka xalay ka kacay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa iyo khasaaraha badan ee dabkaasi dhaliyay.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee dowladda Ingiriiska Liz Truss, ayaa qoraal ay barteeda Twitter-ka ku baahisay ku sheegtay in dabkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka kacay suuqa magaalada Hargeysa  uu ahaa mid naxdin leh oo musiibo ahaa.

Waxa ay sheegtay Liz Truss,  in dowladda Ingiriiska ay la shaqayn doonto maamulka Somaliland iyo saaxiibada caalamka si ay taageero ugu raadiyaan dadkii uu khasaaruhu gaaray gubashada suuqa.

Dabkii xalay ka kacay suuqa magaalada Hargeysa ayaa dhaliyay khasaaro maaliyadeed oo malaayiin dollar , waxaana dabkaasi ku hanti beelay dad badan oo ganacsiyo kala duwan ku lahaa suuqa gubtay ee Hargeysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -