Kooxda Taalibaan oo ku dhawaaqday weeraro argagaxiso oo ka dhan ah dowladda Pakistan

Waxaa bur buray heshiis xabbad joojin ah oo ay horey u gaareen kooxda Taalibaan ee ka dhisan dalka Pakistan ee loo yaqaano Tehrik-e-Taliban Pakistan (TTP) iyo dowladda Pakistan, waxaana mar kale laga cabsi qabaa in labada dhinac is fara saaraan.

Kooxda Taalibaan ee garabka Pakistan ayaa iclaamisay weeraro ka dhan ah dowladda, waxa ayna kooxdan ku amartay dagaalyahanadeeda in ay qaadaan weeraro argagaxiso oo ka dhan ah dowladda Pakistan.

Waxa ay sheegeen kooxdan in ay ka baxeen heshiiskii xabbad joojinta, waxa ayna xuseen in go’aankan cusub uga  falcelinayaan hawlgallada milateri ee Pakistan ku beegsanayso xubnaheeda ku sugan magaalooyin kala duwan oo ku yaalla  dalkaasi.

Hoggaanka ururka TTP ayaa ku amray dagaalyahanadooda fulinta weeraro kasta oo suurto gal ah ay ka geesan karaan gudaha Pakistan, waxa ayna kooxsdan ku hanjabtay in weeraro xanuun badan geesan doonaan.

Ururka Taalibaan garabka ka jira dalka Pakistan ayaa kamid ah kooxaha lagu daray liiska argagaxisada, waxa ayna kooxdan gudaha Pakistan ka fulisay weerrao u badan qaraxyo ay ku dhinteen kumanaan kun oo qof oo isugu jira shacab iyo ciidan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -