Wararkii ugu dambeeyey tacshiirad la isku weydaarsaday xadka labada Kuuriya

Ciidamada Kuuriyada Woqooyi ayaa la sheegay iney rasaas ku fureen xarun ay ku sugnaayeen ilaalada xadka ee Koonfur Korea taasoo ku taal xudduudda aadka loo ilaaliyo ee kala qeybisa labada dal,

Ma jirto wax khasaare ah ama burbur ay rasaastaasi u gaysatay dhanka koonfurta Korea, laakiin millatariga dalkaasi ayaa rasaas jawaab celin ah furay iyagoo digniin ka baahiyay xadka, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada.

Ma cadda sababta keentay in ciidamada woqooyiga Korea ay rasaas ku furaan ciidamada ilaalada xadka ee Koonfur Korea.

Dhowr saacadood ka dib dhacdadan ayay saraakiisha militariga ee koonfurta Korea waxay sheegeen iney aaminsan yihiin in rasaasta ay soo rideen askarta Kuuriyada Woqooyi aysan ahayn mid ku talogal ah.

Ciidamada Mareykanka ee jooga Koonfur Kuuriya oo 28 kun gaaraya iyo ciidamada QM ee ilaaliya agga militariga ka caaggan ee DMZ, ayaa sheegay inay ka warqabaan dhacdada la soo wariyey iney saaka ka dhacday xadka labada dal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -