Al Shabaab oo shaacisay Magaca iyo Qabiilka ninkii isku qarxiyay Isbitaalka Baledweyne

Al Shabaab ayaa baahisay wareysi laga qaaday ninkii labaad ee fuliyay qaraxyadii dhawwaan ruxay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana qaraxyadaasi ku dhintay dad aad u badan oo isugu jiray masuuliyiin iyo shacab.

Qaraxa labaad ee ka dhacay afaafka hore ee Isbitaalka guud ee magaalada Baledweyne waxaa fuliyay nin magaciisa Al Shabaab ku sheegeen Maxamed Nuur Aadam Cali oo kasoo jeeda  beesha Dabarre.

Ninkan oo watay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa beegsaday dhaawacyada dadkii wax ku noqday qaraxii koobaad ee ka dhacay afaafka hore ee Xerada Lamagalaay uu fuliyay nin waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray.

Wareysiga uu bixiyay ninkan fuliyay qaraxii labaad ee ka dhacay magaalada Baledweyne ayuu ku sheegay in uu mudo katirsanaa Al Shabaab gaar ahaan qeybta milatariga balse hada u wareegay qeybta is qarxinta uuna go’aansaday in weerarkaasi fuliyo .

Al Shabaab ayaa horey sidoo kale u shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii fuliyay qaraxii lagu dilay Xildhibaan Aamina Maxamed iyo masuuliyiin kale, waxaana qaraxyada Baledweyne ruxay ku dhintay dad ku dhaw 50-qof halka tiro intaa ka badana ku dhaawacmeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -