Allbanaadir.com
NEWS

Xoogaga Al-shabaab oo weeraro culus ku qaaday fariisimo ay leeyihiin ciidamada dowlada

Dagaalo ayaa xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolada Bay iyo Sh/hoose kuwaasoo u dhexeeyey ciidamada dowlada iyo kuwa Al-Shabaab.

Sida warku sheegayo dagaalka hore ayaa ka dhacay degmada Afgooye xalay fiidnimadii ka dib markii xoogaga Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowlada ku leeyihiin xaafada Buulo Foliyo ee degmada Afgooye.

Dagaalkan oo socday oo muddo saacad ah ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo daryankiisa laga maqlayey gudaha degmadaas iyo degaanada ku dhow.

Sidoo kale xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa isla xalay weeraray degaanka Daynuunay oo 25km dhinaca Muqdisho ka xiga magaalada Baydhabo.

Ciidamada dowlada ee degaankaas ku sugan ayaa iska caabin xooggan sameeyey hase ahaatee Xoogagii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday ayaa muddo kooban la wareegay degaankaas sida dad goob joogayaal ah sheegeen.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weeraradan hase ahaatee baraha internetka ee taageera Al-shabaab ayaa qoray in khasaare xooggan loo geystay ciidamada dowlada, lagana qabsaday degaanka Daynuunay, iyadoo saraakiisha ciidamada dowlada aysan ka hadlin weeraradan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Madaxweyne Biixi oo isu Diiwaangeliyey kaadhka ka qaybgalka Shirweynaha Afraad ee..

Cabdi Cade

Ciidamada Puntland oo dul tagay meydadka Daacish iyo diyaarado drones ah oo…

Cabdi Cade

Kenya oo kordhisay qiimaha lacagta lagu qaato kaarka aqoonsiga iyo Baasaboorka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---