Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Isbedel kooban oo lagu sameeyay Guddiga soo xulaya Ergada dooraneysa kursiga HOP058

Qoraal goordhaw kasoo baxay guddiga doorashada heer dowlad goboleed Hirshabelle ayey kusoo bandhigeen isbadal kooban ay ku sameeyeen guddiga soo xulaya ergada dooraneysa kursiga tirsigiisu yahay HOP058.

Guddida doorashadsa oo xalay soo saaray liiska odayaasha iyo bulshada rayidka ee soo xuleysa kursiga HOP058 ayaa qoraalkan cusub ee soo saareen guddiga kusoo daray xubin cusub oo kamid noqonaya bulshada rayidka.

Kursigan ayey xalay shaaciyeen guddiga doorashada in maanta oo sabti ah la dooran doono, hasa ahaatee waxaan wali isdiiwaan gelin musharaxiinta kursigan ku tartameysa, waxaana suurto gal ah in doorashada kursigan dib u dhacdo.

Kursiga HOP058 waxaa horey ugu fadhiyay Xildhjibaan Nuur Iidow Beyle kaa oo isla xalay shaaciyay in uu ka tanaasulay doorashada kursigan ,kaddib markii lasoo saaray liiska Odayaasha soo xulaya oo u muuqday in uusan ku qanacsaneyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mooshinka laga gudbiyay Farmaajo oo la sheegay in sadex Ujeedo laga leeyahay

Cabdi Cade

Xildhibaan Aadan Barre oo shaaciyey sababta Kenya u taageereyso Jubbaland

Caydiid Ali

Cabdiweli Muudey oo Muqdisho kusoo laabtay Dhoolo Tus cajiib ahna sameeyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---