Mooshinka laga gudbiyay Farmaajo oo la sheegay in sadex Ujeedo laga leeyahay

Mooshinka Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka gudbiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa buuq siyaasadeed ka dhax dhaliyay dowlada dhaxdeeda.

Wasiirada Xildhibaanada ah ee ku jira Baarlamaanka ayaa dhankooda bilaabay in ay kasoo horjeestaan mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo, waxaana wasiiradan qaarkood oo hadlay garab istaag u muujiyeen Madaxweynaha.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa si adag uga hadlay ujeedooyinka laga leeyahay Mooshinka Xildhibaano katirsan Baarlamaanka ka gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Goodax in mooshinkan laga leeyahay sadex ujeedo, waxa uu xusay in labo kamid ah ujeedooyinkaasi in ay ka dhax muuqato faragalin shisheeye oo doonaya in dowlada aysan ka bixin khalalaaso .

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay ujeedka sadexaad ee laga leeyahay mooshinkan in uu yahay Xildhibaanada qaar ee mooshinka keenay uu tilmaamay in dhaqaale ama quud ku rabaan.

“Sida muuqata mooshinkan siyaasadeed waxaa  laga leeyahay sadex ujeedo, labo ujeedo waxaa aad uga muuqdo faragelin shisheeye oo dantooda tahay in dalkaan uusan dhibaato ka bixin iyo hal hadaf oo siyaasiyiin ay ka muuqdaan oo ay ka raadinayaan quud ay helaan” Ayuu yiri Xildhibaan Goodax.

Waxa uu sheegay Goodax in mooshinkan laga leeyahay ujeedooyin ay kamid tahay in dalkan uusan horey u socon , waxa uu sidoo kale xusay in ay socdaan qorshe dowlad Islaami ah looga dhisayo deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Xildhibaanka Goodax ayaa sidoo kale xusay in lacagta lagu bixinayo mooshinka dalka lagu khal khal galinayo in ay bixiyeen dowlado shisheeye oo sheegay in ay adeegsanayaan Xildhibaano aan fikir dheereyn sida uu tilmaamay.

“Mooshinkan nasiib darro waxaa maalgelinaya ajnabi, waxaa jira Xildhibaano aan fikir dheereyn oo loo soo maray, ajnabiga ma rabaan dalkaan inuu horumaro, dowladda Soomaaliyeed waxay sameysay horumar aan caadi aheyn maamul wanaagsan iyo nidaam ayaan la nimid, hal mushaar oo baaqday ma jirin, halka Xukuumaddii hore aysan bixin mushaar iyo xuquuq ay lahaayeen askarta, shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta, waxay rabaan in dib loo noqdo”ayuu yiri Goodax

Mooshinkan laga gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhaliyay buuq siyaasadeed oo dowlada dhaxdeeda ah, waxa uuna mooshinkan sababay in shaqooyinka dowlada aysan u socon sidii loogu tala galay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -