Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Kooxda TPLF oo ka jawaabtay baaq nabadeed oo ka soo yeeray dowlada Itoobiya

Jabhada TPLF oo ku dhawaad 18 bilood dagaal kula jirtay dowlada Itoobiya ayaa sheegtay inay ogolaan  doonaan in colaada la soo afjaro haddii gargaarka bini’aadaninimo la gaarsiiyo shacabka gobolka Tigray.

TPLF ayaa sidaas sheegtay kadib markii ay dawlada federaalku ku dhawaaqday go’aan ay ku joojinayso colaada si ay u fududayso in gargaar bini’aadantinimo la gaarsiiyo gobolka Tigray oo macluul daran iyo cuno yaraan ay ka jirto.

“Dowladda Tigray waxaa ka go’an inay soo afjarto colaadda,” ayuu yiri afhayeenka TPLF Getachew Reda oo la hadlayay  Boqolaal shacab ah oo ku sugnaa Mekelle.

Itoobiya ayaa sheegtay in go’aankan uu yahay mid muhiim ah, waxaana la rajeynayaa in xal kale laga gaaro colaadda iyadoo aan dhiig kale daadan.

TPLF ayaa ugu baaqday Ciidamada Dawlada iyo maleeshiyaadka taageersan inay ka baxaan guud ahaan Gobalka Tigray si loo gaaro Xal Waara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

HINNA Jobs

Cabdi Cade

Milatariga Soomaaliya oo bur buriyay xarumo Al Shabaab lahaayeen iyo gaari qarax waday oo…

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in 5 urur argagixiso ay Africa ku dileen qiyaastii 22 kun oo qof !!

admin
Taboola Ads ---