Cali Guudlaawe oo amar siiyey laamaha amniga ka dib weerarkii ka dhacay Baladweyne

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa cambaareeyay falkii caawa ka dhacay afaafka hore Madaxtooyada Magaaalada Beledweyne oo ay ku geeriyoodeen Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, Xildhibaan hore Cali Cabdi Dhuxul Masuuliyiin iyo dad shacab ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in cadowga argagixisada sida uu yiri ay marwalba qorsheeyaan xasuuqa dadka waxgalka u ah bulshada lagama maarmaana ay tahay in meel looga soo wada jeesto.

Cali Guudlawe ayaa u tacsiyeeyay ehellada iyo qaraabada dadkii ku nafwaayay weerarkii caawa waxaana uu alle uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna waxaa uu alle u waydiiyay caafimaad deg deg ah.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa faray hay’addaha amniga in baaris deg deg ku sameeyaan falkii caawa dhacay soona xiraan kooxihii soo abaabulay.

Dhinaca kale, Laamaha Amniga Beledweyne ayaa sheegay in qofka is qarxiyay uu isku duubay Xildhibaan Aamina afaafka hore ee Madaxtooyada, wax yar kaddib markii ay ka soo baxday guri ay deganeyd oo ku dhegan Madaxtooyada.iyadoo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Hirshabelle laga soo xigtay in ninka is qarxiyay uu xirnaa dareys ciidan.

 

- Advertisement -