Allbanaadir.com
NEWS

Xarunta lagu qabanayo Shirka Dib u Heshiisiinta Galmudug oo la diyaariyay (Daawo Sawirada)

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, Dr. Cabdiraxamaan Cabdullaahi Baadiyow  iyo Xubnaha kale ee  guddiga ayaa maanta kormeeray xarunta loogu tala galay in uu ka dhoco shir-weynaha dib-u-heshiisiinta iyo goobaha ay degayaan ergada ka qayb geleysa shirka.

Dr. Cabdiraxamaan Cabdullaahi Baadiyow ayaa sheegay in lasoo gebagebeeyay diyaar garowga shirka ayna diyaar yihiin dhammaan waxyaabaha aasaasiga ah ee ku xeernaa shirka, dhammaan dhinacya shirka ka qeyb geli lahaana ay liiska ergada u soo direen guddiga.

Guddoomiyaha guddiga ayaa caddeeyay in ay dhimantahahay oo kali ah in ergada la keeno magaalada Dhuusamareeb si 17-ka bisha uu u si rasmi ah u furmo shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug.

Related posts

Israa’iil oo dishay Hoggaamiye sare oo katirsan kooxda Islamic Jihad

Cabdi Cade

SSC oo war ka soo saartay dagaalo ka soo cusboonaaday gobolka Sool (Akhriso)

Caydiid Ali

Bankiga Adduunka oo shir caalami ah ka furay Washington & RW Khayre oo ka qeyb galaya (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---