War cusub oo ka soo kordhay doorasho caawa ka dhici laheyd Baladweyne

Tartanka doorashada kuraas ka tirsan golaha shacabka ayaa dib loo dhigay kuwaasoo lagu wadey in caawa ay ka dhaco magaalada Balad Weyne.

Daud Xaaji Cirro, oo ah afhayeenka dowlad goboleedka HirShabelle ee Soomaliya, ayaa ku dhawaaqey dibu dhigista.

Afhayeenka ayaa intaa ku darey in maadaama uu gabalka sii dhacayo, in guddiga iyo laamaha ammaanka ay isla garteen in gelinta hore ee bari loo dhigo doorashada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in muran ka dhashay kuraasta qaar ee la dooran lahaa uu sabab u yahay dib u dhaca doorashada.

Kuraasta lagu tartami laha, ayaa waxey kala yihiin kursiga 063 iyo kursiga kale ee 011, waxaana mid ka mid ah kuraastaas ku tarmaya musharaxiin badan.

 

- Advertisement -