Madaxweynaha Hirshabelle oo qaabilay Guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Madaxtooyada Magaalada Beledweyne kula kulmay guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo federaalka.
 
Madaxweynaha waxaa kulanka ku wehliyay kuxigeenkiisa iyo masuuliyiin kale ayaa gudiga uga warbixiyeen u jeedka ay u yimaadeen Magaalada Beledweyne oo ahaa xaqiijinta soohdinta ay wadaagaan dowladaha Hirshabeelle iyo Galmudug.
 
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada qaran ee guddiga waxa uuna faray Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Gobolka Hiiraan inay kala shaqeeyaan fududeynta howshooda shaqo.
Dowlad goboleedyada qaar ayaa isku khilaafsan xadka ay wadaagaan, waxaana marar badan dhacday in maamulada siyaabo kala duwan u sheegtaan xadka labada dhinac gaar ahaan xadka Hirshabelle iyo gobolka Banaadir oo muran badan ka jiro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -