Xildhibaanada oo ka wal walsan halista uga imaan karta Baraha Koontarool ee Muqdisho yaala

Waxaa shalay bar koontarool oo ciidamada amaanka ku leeyihiin magaalada Muqdisho ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo sababay geerida dad badan oo isugu jira shacab, ciidan iyo masuuliyiin.

Dadka qaraxa waxyeelada kasoo gaartay ay ku jiraan Xildhibaano iyo masuuliyiin kale ayaa ku sugnaa barta koontaroolka, waxaana gaariga qarxay uu kamid ahaa gaadiid badan oo saf ugu jiray in wadada ka gudbo.

Gaadiidka ay la socdaan Xildhibaanada iyo masuuliyiinta kale ayaa marka ay gaaraan baraha koontarool istaaga si darawalka ama qof kale oo gaadiidkaasi la socda ugu tago askarta koontaroolka joogta una tuso kaarka aqoonsiga.

Xildhibaanada iyo masuuliyiinta kale ayaa hada ka walaacsan halista ay kala kulmi karaan koontaroolada inta hubinta safta ugu jiraan, waxaana inta badan gaadiidka isticmaala laamiga hor mara Madaxtooyada yihiin kuwa ay wataan dad dowlada u shaqeeya.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegey in dowlada ay masuuliyadeeda qaadi doonto haddii Xildhibaanada iyo Masuuliyiinta kale ee Dowlada la tirsan lagu Celiyo Bar Kontorool

” Waa in aad la timaadaan Xeelad kale oo midaan ka Duwan waayo Meelaha Koontoroolada waxaa la ogoodey in laga waayi karin Masuul Dowladeed” ayuu Daahir Amiin Jeesow oo Sheegey in ayaandaro tahay in Masuuliyiin Dowladeed oo tiradaa la eg lagu celiyo Bar Kintorool.

Wadada hor marta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la dhigay baro koontarool ay adag tahay in si sahal lagu gudbo, waxaana masuuliyiinta iyo Xildhibaanada ku qasban yihiin si ay wadadaasi uga gudbaan in ugu yaraan daqiiqado halkaasi taagnaadaan si loo hubiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -