Allbanaadir.com
NEWS

Midowga Musharaxiinta oo arrimo muhiim ah kala hadlay Guddiga Doorashooyinka (Sawirro)

Gollaha midowga musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay guddoomiyaha iyo xubno katirsan guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal.

Xubnaha matalayay gollaha midowga musharaxiinta ayaa kala hadlay guddiga doorashooyinka heer federaal  dedejinta doorashooyinka, ka mira dhalinta jadwalka doorasho oo ay soo saareen, iyo xal u helida caqabadaha dhamaystirka doorashooyinka.

Guddiga doorashooyinka ayaana uga warbixiyay gollaha midowga Musharaxiinta halka ay mareyso doorashada xildhibaanada gollaha shacabka iyo caqabadaha wali ka taagan dhameestirka xildhibaanada wali harsan.

Midowga Musharaxiinta ayaana ugu baaqay guddiga doorashooyinka in la dedejiyo doorashada xildhibaanada harsan si dalka looga saaro firaaqa dastuuriga, loona helo hoggaan iyo hay’ado sharci ah.

Kulankan ayaa imaanaya xili dhawwaan shaaciyeen guddiga doorashooyinka heer federaal habraaca dhaarinta xildhibaanada labada Aqal ee dooran, waxaana habraacaasi kasoo horjeestay maamulada taabacsan Villa Soomaaliya ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Xamse oo ka hadlay Guulaha dagaaladii ka dhacay Hiiraan iyo Sh/dhexe

Caydiid Ali

Qofkii ugu horeeyay oo Cudurka Caronavirus ugu geeriyooday qaarada Afrika

Cabdi Cade

Ciidanka Soomaaliya oo helay Diyaarado iyo hub culus ay ku dagaal galaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---