Khilaaf xooggan oo ka dhax taagan Madaxweyne Deni iyo Isimadda gobolka Mudug

Khilaaf xooggan oo salka ku haya doorashada labo kursi oo kamid ah kuraasta gollaha shacabka ee lagu dooranayo Garawe ayaa soo kala dhax galay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Isimadda gobolka Mudug gaar ahaan kuwa beesha Cumar Maxamuud.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweyne Deni ayaa doonaya in dad gaar ah uu wato u xiro doorashada kuraasta #Hop198 & #Hop199, halka isimadda beesha Cumar Maxamuud oo leh kuraastan kasoo horjeedaan in kuraastan dad gaar ah loo xiro.

Isimada Cumar Maxamuud oo uu ugu horeeyo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayaa kahor yimid hannaanka loo wajahayo Doorashada labadaas kursi gaar ahaan liiska Odayaasha Dhaqanka iyo Ergada soo dooraneysa ee shalay la shaaciyay.

Waxa ay cambaareeyeen isimadda Beesha Cumar Maxamuud Madaxweyne Deni ay sheegeen in uu ku xadgudbay uuna gacan dhaaf ku sameeyay, waxa ayna waxbo kama jiraan ku tilmaameen odayaasha iyo bulshada magacyadooda la shaaciyay.

Kulamo la doonayay in xal loogu raadiyo khilaafka ka taagan doorashada labada kursi ee Beesha Cumar Maxamuud ayaa fashil kusoo dhammaaday, waxa ayna Isimadda beeshaasi diideen la kulanka Madaxweyne Deni oo ay ku eedeeyeen musuq maasuq.

Isimadda gobolka Mudug kasoo jeeda ayaa ugu baaqay musharaxiinta beesha kuraastan iska leh in ay ka qeyb galaan doorashada kuraastan lagu muransan yahay oo la shaaciyay in beri ka dhaceyso magaalada Garawe.

Madaxweynaha Puntland ayaa raba labadan kursi ee laga leeyahay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo in loo xiro labo shaqsi uu wato halka odayaasha beesha iska leh kuraastan doonayaa in doorashada la furo si loogu tartamo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -