Ra’isul Wasaare Rooble oo la kulmay Xue Bing iyo Xubno la socday (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Ergayga gaarka ah ee Dowladda China u qaabilsan Geeska Afrika Xue Bing oo  Muqdisho booqasho ku yimid.

Rooble iyo ergayga Shiinaha Xue Bing  kulanka ay yeesheen ayaa waxa ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo kaalinta Dowladda China ee gurmadka abaaraha ka jira dalka.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaana uga mahadceliyay egayga taageerada dowladda China siiso Soomaaliya, waxa uuna ka codsaday Shiinaha in ay gacan ka geesato gurmadka abaaraha xilligan ka jira Soomaaliya.

Dowladda China oo dooneysa xoojinta xiriirka ay la leedahay wadamadda Geeska Afrika ayaa dhawwaan waxa ay soo magacawday ergay cusub o u qaabilsan waddamada Geeska Afrika, waxa uuna ergaygan booqasho ku marayaa qeybo kamid ah Geeska Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -