Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maraykanka oo taageeray go’aankii ka soo baxay guddiga doorashada heer federaal

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa war ay soo saartey ku taageertey go’aanka guddiga doorashada heer federaal.

Warka Mareykanka ayaa lagu soo dhoweeyey xubnaha xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka, iyadoo lagu wado in la dhaariyo 14-ka bisha April.

Guddiga doorashada heer federaal ee Soomaaliya, ayaa xaley soo saarey bayaan qeexaya jadwalka dhameystirka doorashada Soomaaliya.

“Waxaan rajaynaynaa inaan la kulanno Xildhibaannada cusub ee Soomaaliya kaddib marka la dhaariyo 14-ka Abriil, weliba xilli ku habboon” aya lagu yiri qoraal lagu daabacaya barta Twitterka ee safaarada

Shalay ayey ku ekeyd waqtigii loo asteeyay in lagu dhameystiro qabashada kuraasta Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Hadalka Maraykanka ayaa ku soo aadaya xili  qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada ay ka soo horjeesteen jadwalka ay soo saareen guddiga doorashooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=kvFhlcSLSiI

Related posts

Qadar oo Saraakiil iyo Ciidamo cusub u tababartay Soomaaliya iyo Ujeedada laga …

Cabdi Cade

Ciidankii ku jiray Dagaalkii ka dhacay Muqdisho oo la baadi goobayo & Musharaxiinta oo..

admin

Saamiga Soomaalida Itoobiya ku leeyihiin shidaalka la helay oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---