Labo dowlad goboleed oo soo gebagebeeyey doorashadii xubnaha Golaha Shacabka

Labada dowlad goboleed ee Koonfur galbeed iyo Galmudug ayaa maanta soo gebagebeeyey doorashadii xubnaha golaha shacabka baarlamanka Somalia.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu doortay illaa 66 Xildhibaan, halka Galmudug ay soo saartay 45 Xildhibaan, iyadoo horeyna magaalada Muqdisho loogu soo gebagebeeyey doorashadii Xildhibaanada ka soo kala jeeda gobolada woqooyi iyo Banaadiriga.

Sidoo kale waxaa heer gebegebo ah maraya doorashooyinka xubnaha Golaha shacabka ee Puntland iyo Hirshabelle, halka Jubbaland ay u hartay 16 kursi oo taalla Garbahaarey marka laga reebo afar kursi oo ka dhiman kuraastii taallay Kismaayo, kuwaasoo jadwalkooda la shaaciyey galabta

HOOS KA AKHRISO KURAASTI UGU DAMBEYSEY EE MAANTA LAGU DOORTAY GAALKACYO IYO BAYDHABO IYO CIDA KU SOO BAXDAY

Baydhabo

1-Xaawo Sokor Cali
2- Maxamed Abuukar Cabdi.
3- Cumar Cali Balash.
4- Isaaq Cali Subag.
5- Maryan Macalin Isaaq.
6- Maxamed Keerow Maxamed
7- Jen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan

Gaalkacyo

1-Shamso Cilmi Xassan.
2-Sahro Colaad Cabdi.
3-Xuseen Axmed Culusow.

- Advertisement -