Madaxweyne Deni oo Amray in la joojiyo iibinta Buugaagta Manhajka Dugsiyada sare ee Puntland

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Amar Madaxweyne ku joojiyay in la iibiyo buugaagta Manhajka Waxbarashada dusgiyada sare ee Puntland, inta dib loo eegayo si loo saxo khaladaadka jira hadda.

Madaxweynaha ayaa faray Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlad goboleedka Puntland, in la fuliyo amarkan laga billaabo maanta 13 August 2022 illaa amar danbe.

Buugaagta Manhajka Waxbarashada dusgiyada sare ee Puntland ayaa la sheegay in ay ku jiraan qaladaad badan oo cabasho laga keenay, waxa ayna taasi keentay in madaxweynaha soo saaro amar lagu joojiyo iibinta buugaagtaasi .

Amarkan kasoo baxay Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo aadaya xilli ay dib u bilowdeen waxbarashada dugsiyadda sare, waxaana la filayaa in wasaaradda waxbarashada Puntland fuliso amarka Madaxweynaha dib u eegisna lagu sameeyo buugaagta qaladaadka ku jiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -