Jadwalka doorashada kuraastii ugu dambeysay ee Kismaayo oo la shaaciyey (Akhriso)

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ayaa waxay  soo saareen jadwalka qabashada doorashada 4-kursi oo ka mid ah kuraasta 43-ah ee ku asteysan Jubaland.

4-kursi ayaa ah kuraastii ugu dambeeysay ee taalay magaalada Kismaayo, waxaa Jubbaland ku hartay 16ka kursi ee taalla Garbahaarey oo lagu muransan yahay in doorasho lagu qabto iyo in kale.

- Advertisement -