Guddiga doorashada federaalka oo sheegay ineysan waxba ka jirin natiijada kursiga HOP204

Go’aan kasoo baxay Guddiga Doorashada heer federaal ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday natiijada doorashada Kursiga Hop204 oo doorashadiisa ka dhacday Baydhabo.

Qoraal ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa lagu sheegay in natiijada kursigaas aan loo marin hab raac sax ah

“Maadaama kursiga HoP204 aan loo marin habraacii saxda ahaa, waxba iskama beddalin go’aankii hakinta ee ka soo baxay Guddiga, natiijada ka soo baxdayna waa waxba kama jiraan.”ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay Guddiga

Guddiga doorashadda heer Federaal ayaa horey u hakiyey doorashadda kursiga HOP204 oo uu ku fadhiyo Wasiirka Gaashaandhiga Somalia C/qaadir Maxamed Nuur, hase ahaatee waxaa Guddiga doorashada Koonfur galbeed ayaa iska dhega tiray go’aanka guddiga federaalka, iyagoo maanta Baydhabo ku qabtay doorashada kuraas oo u ku jiro kursiga la hakiyey.

Villa Somalia ayaa la sheegay iney culeys ku saartay Madaxweyne Laftagareen in kursiga HOP204 la dhaafiyo Wasiirka Gaashaandhiga oo lagu tiriyo inuu ka mid ahaa xubnihii sida weyn ula saftay RW Rooble markii uu khilaafku soo kala dhex galay isaga isaga iyo Farmaajo

- Advertisement -