Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo isku diiwaangeliyay Doorashada Kursigii Laftagareen ku fadhiyay

Guddiga Doorashada heer dowlad goboleed Koonfur Galbeed ayaa maanta wada diiwaangelinta iyo shahaado siinta musharaxiinta u taagan kuraasta ugu dambeysa ee deegaan doorashadooda tahay Koonfur Galbeed.

Musharaxiinta isku diiwaangeliyay doorashada kuraasta gollaha shacabka ee beri lagu dooranayo magaalada Baydhabo waxaa ku jira taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Abdirahmaan Aadan.

Taliyaha ayaa isku soo sharaxay loona xiray kursiga tirsigiisu yahay HOP#172 , waxaana kursigan horey ugu fadhiyay inta uusan Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed noqon Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Kursigan ayaa warar horey usoo baxay waxa ay sheegayeen in suurto gal tahay in uu isku soo sharaxo uuna soo qaato Madaxweyne Laftagraeen si uu ugu tartamo guddoomiyaha gollaha shacabka, hasa ahaatee waxa uu hada siiyay Sodogiis Jeneraal Mahad.

Magaalada Baydhabo ayaa lagu wadaa in beri oo talaado ah lagu soo gabagabeeyo doorashada xildhibaanada gollaha shacabka, waxaana magaaladaasi beri lagu dooranayaa todobi kursi uu ku jiro kursi ay hakiyeen guddiga doorashada heer federaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://m.youtube.com/watch?v=RUYv1wR9Vks

 

Related posts

Guddiga Qaran ee ka hortagga COVID-19 oo kulan iskugu yimid & Khayre oo ka qeyb galay

Caydiid Ali

Gudoomiye Dileyta oo khudbad ka jeediyey Golaha Shacabka

Caydiid Ali

Somaliland oo baareysa Iskuulka Abaarso iyo haweeneyda faafisa diinta Masiixiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---