Qorshe ay wateen Xildhibaanada Dir iyo Digil & Mirifle oo fashilmay iyo Maareeye oo runta sheegay

Siyaasiyiinta ugu tunka weyn gobolada Waqooyi ee ku sugan magaalada Muqdisho iyo kuwa kasoo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle oo shirar hoose ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa isku afgartay in ay sameestaan isbaheysi isbadal doon ah.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo katirsan gollaha shacabka ayaa sheegay shirar ay hoose oo xasaasi ahaa oo ay yeesheen Madaxda Beelaha Dir iyo Digil & Mirifle isku afgarteen in ay isbaheysi sameestaan   .

Waxa uu sheegay Maareeye shirarkan oo dhacay inta doorashada socotay lagu heshiiyey in marka ay dhamaato doorashada Xildhibaannada DFS la xoojiyo isbahaysiga ka dhexeeya labadan beelood oo lagu magacaabo (D&DM alliance).

Maareeye ayaa xusay in sidoo kale la isku afgartay in ay isugu tagaan magaalada Baydhabo si looga tashado in wax laga bedelo qaabka 20kii sano ee ugu dambeeyey loo kala qaadanayey xafiisyada waaweyn ee looga talayo dalka.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta ayaa sheegay in qaar kamid ah madaxdii shirarkii dhacay qeyb ka ahaa isbadaleen ayna noqdeen kuwa ka shaqeenaya in habka awood qeybsiga beelaha sidoodii hore sii ahaato lana taageero dad gaar ah.

Waxa uu sheegay Maareeye in Xildhibaano labada dhinac kasoo jeeda oo is arkay hada ku heshiiyeen in marka hore shir ku yeeshaan magaalada Muqdisho la iskuna afgartayo ajandaha shirka ka dhacaya magaalada Baydhabo inta aan la bedelin ujeedkiisa.

”Nasiib daro, waxaa hada muuqata in qaar ka mid ah madaxdii shirarkaas ku jiray is bedeleen oo ka shaqeynayaan in kuraasta sidoodii loo daayo oo Baydhabo loo tago taageero dad gaara oo keliya. Xildhibaano labada dhinac ah oo aanu arintaas iska aragnay waxaanu ku heshiiney in shirka Baydhabo ka hor Xamar lagu shiro oo laga heshiiyo Agendaha Shirka iyo in aan la bedelin ujeedkiisii.” ayuu yiri Maareeye.

Xildhibaanada beelaha Digil iyo Mirifle ayaa doonaya in wax laga bedelo habka awood qeybsiga beelaha gaar ahaan in xilka Madaxweynaha kaliya qaataan Beelaha Daarood iyo Hawiye halka labadan beel kale ee Dir iyo Digil Mirifle qaataan gudoonka labada Aqal .

Madaxtooyada Soomaaliya oo taageero badan ka heesata Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la sheegay in ay fashilineyso sameynta isbaheysiga Xildhibaanada Dir iyo Digil iyo Mirifle,loona bedelayo shirka Baydhabo mid Farmaajo loogu ololeeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -