Mareykanka oo loogu baaqay in Cunaqabateyn kusoo rogo Maxamed Bin Salman

Dowlada Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogtay masuuliyiin iyo saraakiil katirsan Boqortooyada Sacuudiga oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen dilkii magaalada Istanbuul loogu geestay Wariye Jamal Khashoggi.

Amiirka Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman oo Sirdoonka Mareykanka shaaciyeen in uu ansixiyay Dilka Wariye Jamal Khashoggi ayaan kamid aheyn dadka lagu soo rogay cunaqabateynta.

Madaxa Qaramada Midoobey u qaabilsan baaritaanada arrimaha xuquuqul insaanka Agnes Callamard , ayaa si weyn u cambaareeyay in dowlada Mareykanka ka reebtay Maxamed Bin Salmaan saraakiil iyo masuuliyiin lagu soo rogay cunaqabateyn.

Agnes Callamard, ayaa sheegay in Mareykanka laga rabay in qofka ugu horeeya ay kusoo rogayaan cunaqabateynta ka dhigaan Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

“Marka hore waa in isagana lagu so rogaa cunaqabateeno la mid kuwa lagu soo rogay 17-ka qof ee kale oo lagu helay iney ka dambeeyeen dilki weriye Jamaal Khashogji. hantidiisa waa in la xayiraa, akoonkiisa bangiga waa in sidoo kale laga xiro” ayuu yiri Agnes.

Dowlada Mareykanka ayaana sheegtay in Maxamed Bin Salman masuul ka ahaa dilka Jamal Khashoggi, waxaana arintan si weyn u beenisay Boqoprtooyada Sacuudiga oo xiriir dhaw la lahaa Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -