Cali Guudlaawe iyo danjiraha Maraykanka oo ka wada hadlay qodobo xasaasi ah

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa qadka talefonka kula hadalay Safiirka Cusub ee Dowladda Mareykanka u jooga Soomaaliya Danjire Larry Andre’.

Madaxweynaha iyo Danjiraha oo kulankooda ahaa isbarasho waxayna sidoo kale ka wadahadleen xaaladaha amniga, dhameystirka arrimaha doorashooyinka iyo ilaalinta qoondada haweenka.

Madaxweynaha ayaa faahfaahin ka bixiyay arrimaha amniga, qancinta beelaha iyo sidii daahfurnaan loogu dhameystiri lahaa doorashooyinka,

Danjiraha ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha sida hufan ee uu u maareeyay dadaalada dib u heshiisiinta iyo arrimaha doorashooyinka ee degaanada Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -