Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu Jen. Odowaa kala hadlay taliyaha ciidanka Midowga Yurub ee Somalia? (Sawirro)

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Odowaa  Yuusuf  Raage ayaa xafiiskiisa ku qaabilay taliyaha cusub ee ciidanka Midowga Yurub u qaabilsan tababarka ciidanka xoogga dalka (EUTM) Gen. Viglietta.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa isbarasho iyo sida taliska ciidanka xoogga iyo taliska ciidanka Midowga yurub  ay iskaga kaashan lahaayeen la dagaalanka Al-Shabaab.

Gen. Viglietta ayaa amaanay horumarka laga gaaray dib u dhiska ciidanka xoogga dalka iyo howlgalada ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab, isagoo balan-qaaday inuu xoojinta tababarada iyo taakuleynta midowga Yurub uu siiyo Somalia.

Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM Somalia) ayaa la bilaabay 7-dii Abriil 2010 ilaa xilligaas waxaa waqtiga loo cusbooneysiiyey shan jeer, waxayna qaabilsan yihiin tababarida iyo taakuleynta ciidanka xoogga dalka.

Related posts

Gabar Ardayad ah oo maanta lagu dilay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Xamse oo Gudoomiyey shirka Golaha Wasiirada Jubbaland (Sawirro)

Caydiid Ali

Nin nool oo laga soo saaray dhisme gubtay shan cisho ka hor (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---