Guddiga Doorashada Hirshabelle oo hakiyay Guddiga xulista ergada labo kursi oo horey loo shaaciyay

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed Hirshabelle ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ku hakiyeen guddiga xulista Ergooyinka dooranaya labada kursi ee tirsigoodu yahay HOP#010 & HOP#066 .

Qoraalka kasoo baxay guudiga doorashada ayaa lagu sheegay in ay hakiyeen Guddiga Xulista Erdada ee la diiwaangeliyay si looga jawaaabo Cabasho ka timid guddiga xulista ergada ee horey la shaaciyay.

Guddiga Doorashada Hirshabelle (SEIT) ayaa shaaciyay in Murashixiinta kuraasta Kor ku xusan iyo Umada Somaliyeed la wadaagi doonaan Magacyada Guddiga Xulista Ergada si Rasmiga ah marka la xaliyo cabahadaas.

Labada Kursi ee Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle ay hakiyeen Guddiga Xulista Ergadooda oo ay horay u shaaciyeen ayaa waaa ku kala fadhiya Hop#010 Cabdisiaaq Maxamed (Jindi) & Hop#066 oo uu ku fadhiyo Cumar Maxamed Waasuge.

Hakintan ayaa timid xilli uu soo shaac baxay khilaaf xooggan oo u dhaxeeya Madaxweynaha Hirshabelle iyo kuxigeenkiisa sidoo kale magaalada Baledweyne laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo ciidan ay wadaan dad diidan in kuraasta qaar la xiro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -