Wasiirka Wasaaradda Amniga XFS Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga gurmadka deg-degga ee wax ka qabashada saameynta ka dhalatay roobabkii ka da’ay Magaalada Muqdisho iyo u diyaar garowga roobabka la filaayo.
Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Deg-degga Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in 24 saac ee lasoo dhaafay lagu guuleystay furista waddooyinkii ku xirmay roobabkii ka da’ay Magaalada iyo dib usoo celinta bilicda, hadana ay socdaan qorshaha dib loogu dhisi lahaa waddooyinkii ku bur buray.
Wasiirka Wasaaradda Amniga XFS Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa boogaadiyay sida Maamulka Gobolka Banaadir uu ugu jawaabay xaaladihii iyo saameyntii ka dhalatay roobabkii ka da’ay Magaalada, isla markaana ay hada ugu diyaarsan yihiin maareynta roobabka la filayo in ay da’aan.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kula dar-daarmay Guddiga Gurmadka Deg-degga iyo shirkadaha ka shaqeeya dhismaha waddooyinka in la dar-dargeliyo qorshaha dib-u-dhiska Kaabayaasha, asigoona bulshada ugu baaqay in feejignaan la muujiyo isla markaana la isku gar-gaaro.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com