Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Khasaaro geestay oo ka dhacay Baledweyne

Dagaal dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan ee magaalada Baledweyne, dagaalkan ayaana u dhaxwaxay ciidamo kawada tirsan Hirshabelle.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka ayaa dhax maray Ciidamo katirsan kuwa ilaalada Madaxda Hir-Shabeelle ee ku sugan Xerada lamagalaay iyo Ciidamo ilaalo u ahaa qaar kamid ah musharixiinta kuraasta Golaha Shacabka ee taalla Beledweyne.

Ciidamo maleeshiyaad ah oo ka careesnaa in kursi lagu dooranayo magaalada Baledweyne in loo xiro musharax gaar ah ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka bilaabay afaafka hore ee xerada ciidamada ee lamagalaay, waxa ayna taasi dhalisay isku dhaca halkaasi ka dhacay.

Dagaalka ayaa wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in ay ku dhinteen laba Ruux oo mid shacab yahay iyo hal Askari halka ay ku dhaawacmeen Saddex kale oo kamid ah dhinacyada dagaalamay.

Magaalada Baledweyne ayaana laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay doorashada gollaha shacabka gaar ahaan kuraasta la doonayo in loo xiro musharaxiin si gaar ah loo wato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=IqpUv3hQPaY

Related posts

Wasaaradda Gaashaandhigga oo War ka soo saartay Mushahar la’aanta Ciidamada

Caydiid Ali

TPLF oo go’aan ka soo saartay sida ay ka yeeleyso Maxaabiista ciidamada Itoobiya

Caydiid Ali

Dahab tiro badan oo ay xadeen qoys Siiriyaan ah oo maanta tubo biyo laga helay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---