Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo guddoomiyaal degmo iyo Saraakiil ciidan kula kulmay furumaha Dagaalka (Sawirro)

Guddoomiyaha hobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo maalintii seddexaad ku sugan furimaha lagu baacsanaayo Al Shabaab ee gobolka Shabeelaha Dhexe, ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo saraakiisha ciidamada ee hogaamineysa howlgallada sifeynta Khawaarijta ee ka socda bariga gobolka Sh/Dhexe.

Waxaa uu saraakiisha ku boggaadiyay guulaha laga gaaray in deegaano badan oo ka tirsan gobolka laga saaro Al Shanaab, kuwaasi oo muddo 15-sano dhibaato ku haayay shacabka.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii loo dar-dargelin lahaa howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta,si gobolka Shabeelaha Dhexe iyo guud ahaan dalka loogu sifeeyo haraadiga kooxdaasi.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa booqday tuulooyin dhowr ah si uu ugu kuurgalo isbadalka Nololeed iyo Midka amni ee ka jira. Waxa uuna halkaasi ku dhiirageliyay Ciidamada Qaranka iyo kuwa difaaca shacabka ee ku howlan sifeynta Al Shabaab.

 

Related posts

Muxuu ka dhigan yahay go’aanka Ciidamada Haramcad looga soo raray Dhuusamareeb?

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Gudoonka cusub ee Golaha shacabka oo kulankii ugu horeeyey la qaatay Guddiyada joogtada

Caydiid Ali

Ciidamada Israil oo duqeeyay garoonka Diyaaradaha magaalada Xalab

Cabdi Cade