Abaabulka Banaan bax ka dhan ah Ra’isul Wasaare Rooble oo si xooggan u socda

Wararka ka imaanaya magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi ka socdo abaabulka banaan bax looga soo horjeedo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo guddiga uu u magacaabay qiimeynta Garbahaarey.

Maamulka gobolka Gedo iyo kan degmada Garbahaarey oo hoos taga kana ammar qaata Madaxweyne Farmaajo ayaa wada abaabulka banaan baxa looga soo horjeedo Ra’isul Waaare Maxamed Xuseen Rooble.

Banaan baxa ayaa sidoo lale looga soo horjeedaa in magaalada Garbahaarey tagaan guddiga qiimeynta magaalada Garbahaarey kuwaa uu magacaabay Rooble, waxaana guddigan lagu waday in maanta gaaraan magaaladaasi.

Magaalada Garbahaatey ayaana maanta laga dareemayaa abaabul xooggan oo banaan baxa , waxaa sidoo kale garoonka diyaaradaha magaaladaasi gaaray ciidamo kasoo horjeeda in magaalada yimaadaan guddiga uu Rooble magacaabay.

Maamulka magaalada Garbahaarey ayaa shalay shaaciyay in aysan imaan karin magaalada guddiga uu magacaabay Ra’isul Wasaare Rooble, waxa ayna maamulka uga digeen shirkadaha diyaaradaha in guddigaasi usoo qaadaan Garbahaarey.

Maamulka Jubbaland ayaa ka biyo diidan in doorashada xildhibaano katirsan gollaha shacabka halkaasi ka dhacdo, waxaana suurto gal ah in magaaladaasi laga wareejiyo doorashada kuraasta loo asteeyay ama dib kor loogu hayo kuraasta magaaladaasi taala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -