Muxuu Deni kala hadlay saraakiisha laamaha amniga Puntland? (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada Amniga Puntland, Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee Puntland.

Deni ayaa ku boggaadiyay Ciidamada Puntland sida ay marwalbo heegan ugu yihiin ka shaqeynta Amniga, Guulaha laga gaaray wax loogu yeeray Argagixisada iyo adkaynta Amniga Gudaha iyo dibadda Puntland xilli uu dalku ku jiro marxalad Doorasho.

“Dhismaha Ciidamada iyo tayeyntoodu waxay ka mid aheyd ballan qaadyadii Madaxweynaha waana lagu guuleystay, Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Ciidamada in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan sugida amniga” ayuu yiri afhayeenka Madaxtooyada Puntland.

Dhinaca kale, Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hogaaminayo  Ergayga gaarka ah ee Dowladda Norway u jooga Soomaaliya Mr Haakon Svane oo maanta booqasho ku yimi Garoowe.

Kulanka ayaa looga hadlay Abaaraha, Dimuqraadiyada, Geedi socodka doorashooyinka, La dagaalanka Argagixisada iyo Kulluumaysiga.

 

- Advertisement -