Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirada arrimaha dibeda ee Ruushka & Ukraine oo Wadahadal ku yeelanaya Turkiga

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu ayaa shaaciyey inay dhigiisa Raashiya iyo Ukraine ay Kulan toos ah ku yeelan doonaan magaallada loo Dalxiis tago  Antalya ee Koonfurta Turkiga.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaalka Turkiga ee dhexdhexaadinta labadaasi dal waxaana uu qabsoomi doona Maalinta Khamiista ee soo socota.

Mevlüt Çavuşoğlu waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu Suxufiyiinta Maanta kula kulmay Caasimadda dalkiisa ee Ankara, wuxuuna xusay in Labada Wasiir Arrimo Dibadeed ee Raashiya iyo Ukraine isku doc arki doonaan Madasha Diplomaasiyadda ee  Antalya Diplomacy Forum.

Shir Doceedkaas waxa uu ahaan doonaa Shir Saddex Geesood ah oo u dhexeeya wasiirada arrimaha dibeda ee Turkiga,  Raashiya iyo Ukraine.

Shalay ayey ahayd, markii uu Madaxweyne Erdogan khadka Telefoonka kula hadlay dhigiisa Raashiya, Vladimir Putin, iyaga oo ka wada hadlay Xal u helista Colaadda ay Milliteriga Raashiya ka wadaan gudaha dalka Ukraine.

Related posts

War Deg Deg Ah: Taliye Saadaq Joon oo xilka laga qaaday iyo Taliye cusub oo lagu bedelay

Cabdi Cade

Qaybta 3 aad :-Qisadii cajiibka aheyd ee Nebi Ibraahim CS iyo qoomkii loo diray

admin

Daawo Sawirada: Qarax la doonayay in lagu dilo Sargaal Ciidan oo la Fashiliyay 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---