Wasiir Goodax oo la kulmay fanaan lala xiriiriyey dhicitaanka ardayda badan ee G/Banaadir

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa maanta Xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay fannaanka da’da yar Sharma Boy.

Fanaankan oo af Soomaali ku qaada heesaha raabka loo yaqaano ayaa noqday ninka todobaadkan loogu hadal heynta badnaa baraha bulshada kaddib natiijadii Imtixaanka Ardayda Dugsiga Sare oo 7-kun oo ka mid ah ka dhaceen Gobolka Banaadir, waxaana dad badan ay arrintaas la xiriiriyeen  Fanaanka maadaama heesihiisa ay soo jiiteen aadna u dhegeystaan dhalinyaro badan.

Sharma Boy oo dad badan aaminsan yihiin inuu yahay fanaan dhalinyarada u horseeda anshax xumada ayaa qaaday heeso ka turjumaya wacyiga dhalinyarada iyo nolosha caadiga, isagoo heestiisa u dambeysay aheyd  (Shahaadada Micno ma leh)

Wasiir Goodax ayaa Fanaanka Sharma Boy ka codsaday inuu fankiisa u weeciyo ku baraarujinta dhallinta, ahmiyadda ay leedahay Waxbarashada.

“Waxaan maanta sheekeysannay fannaanka da’da yar ee Sharma Boy oo saameyn ku dhex leh dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinta Gobolka Banaadir. Waxaan ka codsaday in uu fankiisa u weeciyo ku baraarujinta dhallinta, ahmiyadda ay leedahay waxbarashada” ayuu yiri Wasiirka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -