Akhriso Magacyada 16-Xildhibaan oo maanta lagu doortay magaalada Boosaaso

Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee gobolka Bari waxaa maanta kaliya lagu doortay ilaa 16-kursi oo loo qorsheeyay in lagu doorto magaaladaasi oo ah deegaan doorashada labaad ee Puntland.

Kuraastan maanta lagu doortay magaalada Boosaaso ayaa intooda badan waxaa kusoo baxay Xildhibaano cusub , waxaana meesha laga saaray xildhibaanadii hore ay ku jiraan Wasiirro aad ugu dhawaa Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanada maanta la doortay ayaa gabigood loo xiray kuraasta ay kusoo baxeen, waxaana doorashadan intooda badan ku dhacday qaab gacan taag ah ,kaddib markii ay tanaasuleen musharaxiinta malxiiska ahaa.

Magaalada Boosaaso ayaa horey loo qorsheeyay in lagu doorto 16-xildhibaan, waxaana dhammaan kuraastan magaaladaasi loo qorsheeyay doorashadeeda maanta ka wada dhaceen magaalada Boosaaso.

Halkan ka akhriso Magacyada Xildhibaanada maanta la doortay

Kursiga Hop#157 ayaa loo doortay Maxamuud Axmed Aaden Geesood

Kursiga Hop#227 ayaa isna dib loogu doortay Cabdicasiis Maxamed Maxamuud (Qambi).

Kursiga HOP273 ayaa loo doortay Taliyihii hore ee Booliiska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko .

Waxaa sidoo kale kursiga  Hop#234 loo doortay Marwo Cabdi Bashiir.

Kursiga Hop#076 waxaa ku guulaystay Muuse Axmed Ismaciil .

Kursiga Hop#169 uu ku fadhiyay Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya waxa ku ku guuleestay Cali Mahdi Maxamed Qalato .

Kursiga Hop#083 waxaa isna ku guuleestay  Maxamed Bashiir Cali

Kursiga Hop#220 waxaa ku guuleestay Cali Xaaji Daahir Saleebaan .

Caynaanshe Yusuf Xuseen ayaa isna ku guulaystay Kursiga tirsigiisu Yahay Hop-222 .

Kursiga tirsigiisu Yahay Hop-036 waxaa ku guuleestay Maxamed Aadan Diini .

Waxaa sidoo kale kursiga HOP027 ku guuleestay Siciid Cali Muuse a

Sadaam Maxamuud Cabdi ayaa ku guulaystay Kursiga tirsigiisu Yahay Hop-158 .

Kursiga Hop-149 waxaa ku guuleestay Xildhibaan Faysal Axmed Maxamuud

Maxamed Cabdulqaadir Maxamed ayaa ku guulaystay Kursiga tirsigiisu Yahay Hop-190 .

Waxaa sidoo kale kursiga HOP 228 ku guuleestay Cabdulaahi Faarax Mire

Kursiga Hop-142  waxaa ku guuleestay Ismaaciil shire jaamac .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -