Magaalada qadiimiga ah ee Lalibela oo u gacan gashay Jabhada TPLF

Jabhada TPLF ee ka soo jeeda  gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya ayaa la wareegay magaalada Lalibela oo ku taalla gobolka Amxaarada.

Lalibela oo hoy u ah kaniisad Qarnigii 13 -aad ee dhagax laga qoday ahaa ka mid ah meel;aha taariikhiga ah ee heyadda UNESCO u aqoonsatay dhaxalka aadanaha.

Ku-xigeenka duqa Magaalada Lalibela, Mandefro Tadesse sheegay in magaalada ay gacanta ku hayaan fallaagada Tigray.

Wuxuu sheegay inaysan jirin wax rasaas ah, laakiin dadka deegaanka ay ka cararayaan magaalada uuna ka walaacsan yahay badbaadada kaniisadaha taariikhiga ah.

Waxaa kaniisadan ku xiran Malaayiin Masiixiyiin ah oo Orthodox ah, iyadoo dadka degaanka ay ka cararayaan goobta jabhadu qabsatay sida ay saraakiisha u sheegeen Warbaahinta.

Kumanaan qof ayaa la dilay tan iyo markii uu dagaalku billowday bishii November ee la soo dhaafay. Dagaalka ayaa hadda ku sii fidaya Amxaarada iyo Canfarta oo ah gobolada xuduuda la leh Tigray.

Labada Jabhadood ee Tigray TDF iyo TPLF iyo ciidanka Itoobiya ayaa lagu eedeeyey inay geysteen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo dambiyo dagaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -