Allbanaadir.com
NEWS

Ruushka oo xabbad joojin uga dhawaaqay labo magaalo oo kutaalla Dalka Ukraine

Wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda Ruusha ayaa xabbad joojin uga dhawaaqday labo magaalo oo kutaalla dalka Ukraine oo maalmihii lasoo dhaafay dagaalo culus iyo duqeymo ay ka socdeen.

War kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa lagu sheegay in xabbad joojin uga dhawaaqeen labo magaalo ay ku jirtro magaalada Dekadda leh ee Mariupol , halkaas oo duqeymo culus Ruushka ku garaaceen.

Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay in xabbad joojintaas uga gon leedahay sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ku go’doonsan magaalooyinkaasi iyob sidii dadkaasi u heli lahaayeen marin ay maraan.

Ciidamada Ruushka ayaa duqeymo culus ku garaacaya magaalooyin dhoor ah oo kuyaalla dalka Ukraine, waxaana ciidamada Ruushka ku guul dareesteen in ay la wareegaan magaalada Kyiv iyo magaalooyin kale oo duullaan culus ku qaadeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wadahadalo u socday Sacuudiga iyo Qatar oo fashilmay iyo Xog ku aadan Sababta

Caydiid Ali

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo war ka soo saaray dagaalada ka qarxay Muqdisho

Caydiid Ali

Booliska Mareykanka oo weli raadinaya nin hubeysan oo dad badan laayey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---