Qaar ka mid ah Safiiradii Somalia u fadhiyay caalamka oo la isku bedelay (Akhriso Magacyada)

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa isku bedelay qaar ka mid ah safiirada dowlada u fadhiya dalalka caalamka sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay Madaxtooyada dalka.

Safiirada la isku bedelay ayaa la sheegay in loo kala diray qoraalo arintaas ku saabsan iyo wareegtada ka soo baxday Madaxweynaha, waxayna kala yihiin sidan:-

Danjirihii Somalia u fadhiyey Addis ababa Mohamed Cali Nuur Hagi ayaa waxaa loo bedelay danjiraha Somalia u fadhin doona dalka  Djibouti, iyadoo Danijrihii Somalia u joogay dalka Faransiiska Cali Shariif loo soo bedelay Safaarada Soomaalida ee Addis ababa.

Sidoo kale, danjire Abdirizak Tano oo Somalia u fadhiyey dalka Oman ayaa waxaa loo magacaabay safiirka Soomaalida u fadhin doona dalka Qatar, Iyadoo safiirkii Qatar laga qaaday xilka.

Safiirkii dowlada Somalia u fadhiyey dalka Sweden iyo dalalka Scandinavian-ka Cawaale Kulane ayaa isna waxaa loo magacaabay safiirka Soomaalida ee dalka China.

Safaaradaha Soomaalida ee dalalka Faransiiska, Sweden, Cummaan oo safiiradoodii dalal kale loo wareejiyey ayaan loo ogeyn iney banaan yihiin in safiiro kale loo magacaabay.

Sidoo kale safiiradii laga bedelay dalalka Qatar, Shiinaha iyo Jabuuti ayaanay kala cadeyn in safaarado kale loo wado iyo in shaqada laga fariisiyey.

Isbedelkan kooban ayaa ku soo aadaya xili muddo sanad ka badan ay ay safiir la’aan yihiin safaaradaha Soomaalida ee ku yaalla caalamka qaarkood ka dib markii safiiradii horey u joogay laga qaaday xilka kuwo kalena aan lagu bedelin, waxaana safaaradahaas howlahooda sii wada sii hayeyaal.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -