Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ruushka oo hawada dalkiisa ka mamnuucday duulimaadyada diyaaradaha 36 Waddan

Dowladda Ruushka ayaa qaaday tallaabooyin u muuqda aargoosi, kaddib markii qaar badan oo kamid ah waddamada Midowga Yurub hawada dalkeeda ka mamnuuceen in ay isticmaalaan diyaaradaha Ruushka laga leeyahay.

Qoraal kasoo baxay dowladda Ruushka ayaa lagu shaaciyay in hawada Ruushka laga mamnuucay duuliimaadyada diyaaradaha 36-waddan ay ku jiraan Wadamada Ingiriiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Spain.

Dowladahan Ruushka ka mamnuucay duulimaadka diyaaradahooda in ay isticmaalaan hawada dalkiisa ayaa horey dhankooda waxa ay uga mamnuuceen hawadooda in ay isticmaalaan diyaaradaha Ruushka ka diiwaangashan iyo kuwa laga leeyahay.

Go’aankan ayaana u muuqda mid dowladaha reer Galbeedka ku kordhinayaan cadaadiska ay ku hayaan xukuumadda Moscow oo duullaan qaawan ku qaaday dalka Ukraine oo daris la ah .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=ianMAFxCRIM&t=31s

Related posts

Maxaa ka jira in dowlada Sacuudigu ay sameysaneyso hub halista ah ee Nukliyerka?

Caydiid Ali

Amiin Quran Online, oo fursad qaaliya u haya qurbajoogta soomaaliyeed iyo caruurtooda

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Gudoomiyaasha Degmooyinka G/Banaadir 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---