Somaliland oo qoraal cabasho ka dhan ah Doorashada Soomaaliya u dirtay Caalamka

Maamulka Somaliland ayaa qoraal kasoo baxay waxa ay ku sheegeen in aysan wax shaqo ah ku laheyn doorashada Soomaaliya ka dhaceysa , waxa ayna qoraalkooda ku sheegeen in ay yihiin dowlad madax banaan oo ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Qoraalkan kasoo baxay Wasaarada Arimaha dibadda maamulka Somaliland oo loo diray Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo qaar kamid ah wadamada caalamka ayaa lagu sheegay in aysan shaqo ku laheyn Doorashada Soomaaliya.

Maamulka Somaliland ayaana uga digay dowlada federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada Somaliland been iyo khiyaali ay sheegeen in lagu marin habaabinayo bulshada caalamka.

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Somaliland

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -