Allbanaadir.com
NEWS

R/Wasaare Rooble oo qaabilay Afhayeenka Xukuumadda oo Muqdisho kusoo laabtay (Sawirro)

Mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo bahda saxaafadda, siyaasiyiin iyo qaar kamid ah eheladiisa iyo asxaabtiisa ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
 
Macalimuu oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa ka warbixiyay xaaladiisa caafimaad waxa uuna sheegay in uu hada wanaagsan yahay , waxa uuna mahadceliyay Ra’isul Wasaaraha xukuumadad iyo cid kasta oo gacan ka geesatay in uu helo caafimaad.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Macallimuu isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in uu ka bogsooday dhaawacii lala beegsaday.
 
Waxa uu Ra’isul Wasaare Rooble u rajeeyay afhayeenka Xukuumadda oo hada u sharaxan kursi xildhibaan oo deegaan doorashadiisa tahay Baledweyne in uu ku guuleysto si dalkiisa iyo dadkiisa wax ugu qabto.
 
Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya oo ka badbaaday qarax ismiidaamin ah oo Muqdisho lagula eegtay ayaa isaga oon si buuxda dhaawaca uga bogsoon dalka ugu soo laabtay si uu ugu tartamo kursi Xildhibaan oo doorashiisa ka dhaceyso Baledweyne

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo la qadeeyay Waqtina la qaatay Dhalinyaro Carbis ku jira (Sawirro)

Cabdi Cade

Maraykanka oo shacab ku dilay duqeyn ka dhacday degaanka Kuunyo Barrow (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Jaamacadda Carabta oo taageero Maliyadeed u balan-qaaday Soomaaliya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---