Maraykanka oo shacab ku dilay duqeyn ka dhacday degaanka Kuunyo Barrow (Daawo Sawirro)

Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa xaqiijiyey iney duqeyn ka fuliyeen gobolka Sh/hoose, gaar ahaan degaanka Kuunyo Barrow.

Qoraalka uu talisku soo saaray ayaa lagu sheegay in duqeynta oo dhacday 25-ka June lagu dilay maleeshiyo ka tirsan Alshabaab, waxayna intaas ku dareen inay baarayaan haddii dad rayid ah khasaare kasoo gaaray weerarka, baaritaankaasina loo fulin doono sida uu qabo xeerka ciiidamada Mareykanka.

Balse warbaahinta Alshabaab ayaa beenisay hadalka Maraykanka, iyagoo sheegay in lagu dilay duqeyntaas ganacsade caan ka ahaa degaankaasi laguna magacaabi jiray Aboow Cali Waardiyow, kaasoo xoolo iyo beero ku lahaa degaanka kuna shaqeysan jiray gaari uu isagu leeyahay, kaasoo ku duqeeyeen ciidamada Mareykanka.

Aaska ganacsadaha ayaa waxaa ka hadlay ehelkiisa oo sheegay inuusan ka mid ahayn Alshabaab, balse uu ahaa qof shacab ah oo beeraley ah, waxaana xilliga gaarigiisa la duqeeyay uu ku sii jeeday degaankiisa Arabow, waxaana duqeyntu ka dhacday meel 18km u jirta Kuunyo-barrow.

Duqeynta diyaaradaha Mareyakanka ayaa marar badan lagu dilaa dad shacab ah, iyadoo ciidamada Mareykanka sheegaan inay baarayaan marka ay soo baxaan warar sheegaya in duqeyntooda ay dad shacab ah wax ku noqdeen.

                     Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -