Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga doorashada Galmudug oo shaaciyay jadwalka kuraas lagu dooranayo Dhuusomareeb

Guddiga Doorashada heer dowlad goboleed Galmudug ayaa goordhaw guddiyadda xulista ergada dooraneysa kuraasta  tirsigoodu yahay HOP#012, HOP#048, HOP#137 oo dhawwaan lagu dooranayo magaalada Dhuusomareeb.

Kuraastan lasoo bandhigay ayaa sidoo kale guddiga doorashada shaaciyeen in la dooran doono 25-ka bishan oo ku beegan maalinta Jimcaha , waxaana doorashada kuraastan yihiin kuwii ugu dambeeyay ee lagu dooranayo magaalada Dhuusomareeb.

Doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee ka socotay magaalada Dhuusomareeb ayaa hada mareysa gebogebo, waxaana dhawaan bilaabaneysa doorashada magaalada labaad ee Gaalkacyo oo iyana lagu dooran doono kuraasta kale ee harsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Amarada kasoo baxa Maamulka Gobalka Banaadir oo aan la dhaqan galin (Jug Jug Meeshaada Joog)

admin

Wadooyin soo gala magaalada Muqdisho oo dhagxaan shub ah lagu xiray

Cabdi Cade

Rooble iyo wafdi uu horkacayo oo lagu soo dhoweeyey Magaalada Baydhabo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---