Bog uu sameystay Axmed Karaash oo wacdaro ka dhigaya Baraha Bulshada

Bog uu barta facebook ka samaystay Xafiiska Madaxwayne ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa baraha bulshada wacdaro ka dhigaya.

Boggan oo xalay la sameeyey ayaa dad badan soo jiitay, iyadoo 24 saac gudahood ay ku xirmeen dad ku dhow qiyaastii 30 kun oo qof taasoo ah arrin aan caadi aheyn oo aad loola yaabay.

Arrinta la xiriirta sameynta boggan ayey wararka qaarkood sheegayaan iney timid ka dib markii laga saaray bogga Facebook ee Madaxtooyada Puntland, tacsi uu Axmed Karaash u diray geerida Guddoomiyihii gobolka Mudug qaybta Puntland, marxuum Axmed Muuse Nuur, amarkaasoo loo fahmey inuu kasoo baxay Madaxweyne Deni, iyadoo arrintan ay mar kale banaanka soo dhigtay khilaafka labada nin.

Waxaa kale oo xusid mudan in bogga Madaxtooyada Puntland ee horey jirey, ahna kan laga saaray tacsida Karaash ay ku xiran yihiin dad gaaraya 42 kun oo qof, waxayna arrintani ka dhigan tahay in bogga cusub ee Madaxweyne Karaash uu saacadaha soo socda soo qaban doono bogga Madaxtooyada, haddiiba uusan dhaafin.

Waxay arrintani ku soo beegmeysaa xili uu sii xoogeysanayo khilaaf xooggan oo dhowaan kala dhex galay Madaxweyne Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Karaash kaasoo ka dhashay ismaan dhaaf la xiriira Saraakiil cusub oo Deni uu u magacaabay Madaxtooyada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -